Talaado, February 11, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Villa Soomaaliya ku qaabilay kuxigeenka wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Prof. Burhanettin Duran, waxaana ay kawada hadleen dardargelinta heshiiskii Ankara ay kuwada saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay wasiirka doorka ay Dowladda Turkiga ka ciyaareeyso xasilinta arrimaha mandiqada iyo xoojinta iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya.
https://68c3b498d80ea778f10ce9f970cd7ffc.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-41/html/container.htmlProf. Burhanettin Duran wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa dhowaanahaan waxa uu socdaalkaan kii ka horeeyay ku tagay magaalada Addis Ababa waxaana madaxda uu kala hadlay arrimaha gudiyada farsamo si loo hirgeliyo heshiiskii Ankara iyo sidii Dowladda Itoobiya ay marin biyood uga heli lahayd biyaha Soomaaliya.
Waqti hore oo isniinta ahayd Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay, wafdigaan ka socday Dalka Turkiga oo uu hoggaaminayay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Prof. Burhanettin Duran, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna kobcin karo iskaashi istiraatiijiyadeed, laguna ballaarin karo wax wadaagga nacfi is-dhaafsiga ee dhinac weliba leh.
Wasiir kuxigeen Duran ayaa salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, u gudbiyay Wasiir Axmed Fiqi, isaga oo ka hadlay horumarka laga gaaray Baaqii Ankara ee soo baxay 11 December, 2024.
Intii kulanka lagu guda-jiray, waxaa labada dhinac ay xuseen muhiimadda ay leedahay fulinta heshiisyada la kala saxiixday ee dhinac kastaba leh, oo ay ku jiraan Gaashaandhigga, Maalgeshiga, Kaluumaysiga iyo kheyraadka dabiiciga, iyadoo la xoojinayo baahida loo qabo iskaashi sal adag oo taabagelinaya horumar waara, horseedaya kobac dhaqaale, hubinaya barwaaqo-sooran muddo fog ah oo labada dhinac leh.