Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarigga ka jaray isbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa xusay ahmiyadda maalgelinta adeegyada caafimaadka, maadaama ay baahi weyn u qabaan dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey ganacsatada iyo dhallinyarada hirgelisay mashruucan, isagoo tilmaamay in dadaallada noocaan ah ay qeyb ka yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka iyo yareynta safarrada caafimaad ee dibadda.
“Caafimaadka aad ayuu ii taabanayaa. Maalin walba, boqol ilaa 150 qof ayaa dalka laga qaadaa si ay daaweyn dibadda ah u helaan. Dhallinyarada mashruucan hirgelisay, ma ahan oo kaliya in ay adeeg caafimaad soo kordhiyeen, balse waxay sidoo kale bahda caafimaadka kusoo kordhiyeen dhaqan cusub.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ah ee isbahaysiga ganacsatada iyo dowladda ee shanta sano ee soo socota, kaas oo lagu hirgelin doono lix isbitaal oo laga dhisi doono dhammaan gobollada dalka, si sare loogu qaado tayada adeegyada caafimaadka.
Isbitaalka uu Madaxweynaha xarigga ka jaray ayaa lagu dhisay maalgelin ka badan $12 milyan, waxaana la qorsheynayaa in lagu daweeyo cudurro badan oo horey loogu aadi jiray dibadda, taasoo caqabad iyo culays weyn ku ahayd bulshada Soomaaliyeed.