Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş, iyo wafdi uu hoggaaminayay. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Turkiga, iyada oo laga wada hadlay arrimo badan oo muhiim u ah labada dhinac.
Ugu horrayn, Danjiraha Turkiga ayaa bogaadiyey Madaxweynaha, isagoo ku hambalyeeyay guushii uu ka gaaray tartankii doorashooyinka Madaxtooyada. Wuxuu qiray bisaylka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo sida xilka loogu kala wareegay si nabad ah, taasoo uu ku tilmaamay dhacdo dhif iyo naadir ku ah mandaqadda Geeska Afrika. Sidoo kale, wuxuu xusay in shacabka Somaliland ay mudan yihiin in lagu hambalyeeyo dadaalkooda iyo adkeysigooda.
Intii uu kulanku socday, waxaa laga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadeynta, iskaashiga dhaqaale, ganacsiga iyo maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xirfadaha, iyo sidoo kale ka wada shaqeynta arrimaha bini’aadannimada.
Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay si weyn u daneynayso in Dowladda Turkigu la yeelato xidhiidh toos ah, wanaagsan, iyo iskaashi dhinacyo badan leh.