Madaxweynaha Somaliland oo Kulan la Qaatay Safiirka Turkiga
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş, iyo wafdi uu hoggaaminayay. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Turkiga iyo arrimo kale oo labada dhinac khuseeya.
Ugu horrayn, Danjiraha Turkiga ayaa Madaxweynaha ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii Madaxtooyada, isagoo xusay bisaylka hannaanka dimuqraadiyadda ee Somaliland ka hirgalay iyo sida xilka si nabad ah loogu kala wareegay. Wuxuu arrintaasi ku tilmaamay mid dhif iyo naadir ku ah Geeska Afrika, wuxuuna shacabka Somaliland ku ammaanay adkeysigooda iyo horumarkooda dimuqraadiyadeed.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhowr qodob oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin:
✅ Nabadeynta iyo iskaashiga dhinacyada amniga
✅ Horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, iyo maalgashiga
✅ Kor u qaadista waxbarashada iyo caafimaadka
✅ Xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xirfadaha
✅ Ka wada shaqeynta arrimaha bini’aadannimada
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhankiisa xusay in Somaliland ay aad u daneynayso in Turkigu la yeesho xiriir toos ah, kaas oo wanaagsan, dhinacyo badan leh, islamarkaana sare u qaadi kara iskaashiga labada dhinac.