Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Delta Air Lines ee Mareykanka ayaa Isniintii ku rogmatay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Toronto, taasoo sababtay dhaawaca 19 qof, oo ay ku jiraan saddex ruux oo xaaladoodu aad u liidato.
Maamulka Garoonka Diyaaradaha Pearson ee Toronto ayaa xaqiijiyay in shilka uu dhacay shalay abaare 2:15 galabnimo, kaddib markii diyaaradda ay rogmatay oo dusha ku istaagtay xilli ay soo caga dhigatay waddada ay diyaaradaha ku ordaan.