Ciidanka Xoogga Dalka oo Weerar Ku Qaaday Fariisimaha Al-Shabaab ee Gobolka Mudug
Wisil, Mudug – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidanka Difaaca Shacabka ee degmada Wisil ayaa waaberigii hore ee saakay weerar qorsheysan ku qaaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug.
Ciidamada huwanta ah ayaa la sheegay inay dagaal culus la galeen maleeshiyada Al-Shabaab, kaddibna dib ugu laabteen saldhigyadoodii. Sarkaal ka tirsan ciidamada, Aweys Cabdullaahi Cali, ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhashay kadib markii ay heleen xogta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee deegaankaasi.
Sarkaalkan ayaa xusay in hawlgalku uu ka dhacay saddex goobood oo kala ah Bacaadweyne, Shabellow, iyo Cammaara. “Jab xoogan oo aad u culus baa ka soo gaaray Al-Shabaab. Annagoo kaashanayna shacabka iyo sirdoonkeenna, waxaan boqolkiiba boqol ku guuleysanay shaqadii aan u soconay,†ayuu yiri Aweys Cabdullaahi.
Waxa uu sidoo kale sheegay in hawlgalkan uu ahaa mid lagu hortagayey dhibaato ay Al-Shabaab la damacsanaayeen dadka deegaanka, isla markaana lagu beegsaday dhowr kontorool oo maleeshiyadu si sharci darro ah uga qaadi jireen lacago gaadiidka maraya waddadaas.
Sida uu sheegay Aweys Cabdullaahi, weerarka waxaa lagu dilay xubno ka tirsan hoggaanka Al-Shabaab, kuwaas oo magacyadooda la shaacin doono goor dambe.
Hawlgalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmihii u dambeeyay ay dib u bilowdeen howlgallo ballaaran oo ka socda deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, kuwaas oo loogu talagalay in lagaga sifeynayo maleeshiyada Al-Shabaab.